Posted on

Sidee lacag u kaydsan kartaa?

10 qaab ee ugu fiican inaad lacag u kaydasto

Dunida maanta kaydisga lacagata waxay noqotay waxa ugu muhiimsan hadii aad tahay qof ganacsade ah ama shakhsi  ahaan aad rabto inaad lacagta u kaydasato si dhaqaalahaga u kobco. Hadii aad hesho ama barato qaabka ugu fiican aad lacag u kaydsan karto waxay kaa caawinaysa inaad hesho caafimad qab dhaqaale. Waxaad u baahantahy inaad gaarto isku filnaasho dhaqaale sidaa daradeed 10 kaan qodob ee socda waxay kaa caawinayaan qaabab ka ugu fiican oo aad lacag u kaydsan karto si aad u gaarto hadafyadaada dhaqaale.

Samayso miisaaniyad dhaqaale:

Hababka ugu muhiimsan ee aad dhaqaale ku kaydsan karto waa inaad qorsho u samaysa qaabka aad u maamulaysa lacagtaada. Waxaad daba gal ku samaysanaysaa dhaqdhaqaaqa kharashaadka ka baxa iyo dhaqaalaha ku soo gala, sidaa daradeed waxaad ogaanaysa meelaha aad lacagta ku kharash garayso oo ay muhiim tahy inaad yarayso iyo meelaha aad lacagta yar u istcmaasho oo ay tahy inaad lacag dheeri ah u qorshayso. Waxaa ka caawin kara inaad so dagasto apps ka lagu sameeyo qorshaha lacagta oo waxaad ka soo degsan kartaa mobil kaaga ama computer kaaga.

Jar ama yaree kharaashaadka aan muhiimka ahayn.

Si fiican u fiiri kharashaadka ka baxa si aad u aqoonsato kharashaadka aan muhiimka ahayn aad bixiso si aad meesha uga saarto. Waxaad kamid ah adeegyada aad internet ka iibsto o bilaha ama sanadalaha ah ee aan muhiim ku ahayn, cashada aad banaanka u aado, wax iibsiga aan muhiimka ahayn. Hadii aad yarayso kharaashadka noocan ah waxaad kaydsan karta lacag badan.

Samayso kayd dhaqaale o joogta ah.

Waxaa muhim ah inaad si toos ah ugu shubto qoondada bank kaydka lacag joogta ah hadba wixii aad awoodo, taasi waxay ku fudaynaysaa inaad lacag joogta ah kaydsato. Qaabkaan wuxu ku fudaynayna inaad iska dayso isticmaalka kharaashaka aan muhiim ka ahayn isla markaan aad yeelato kayd dhaqaale o joogta ah si aad u gaarto hadafyadaada dhaqaale.

Ka faaidayso qiimo dhimista ganacsyda

Markii aad wax iibsanyso isku day inaad ka faaidaysto xiliyada ay ganacsyadu sameeyaan qiimaha dhimista adeegooda ama badeecadaha ay gadayaan. Hadii ay noqon lahyd dukaan online ah ama dukaan suuqa ku yaala. Waxa jira dukaamo badan o sameeya qiimo dhimis sanad ki bilo badan o kamid ah hadii aad isku aadiso marki aad wax iibsanayso xiliga qiima dhimistu socoto waxay kaa caawinaysa inaad lacag kaydasto sida qudaarta, hilibka, raashinka, dharka IWM. Isku day inaad isbarbardhigto qiimaha dukaamada kala duwan isla markaan aad ka iibsato dukaanka ugu qiimo jaban.

Ku gorgortan qiimaha ugu jaban.

Ha ka cabsan inaad la gorgortanto qiimha aad wax ugu gadanayso adeeg bixiyasha ama kuwa badeecadaha caadiga ah iibiya, taasi waxay ku fudaynaysaa inay yaradaan kharashadka bilaha ah aad bixiso. Waxaad ku gorgortami kartaa hadi uusan qiimaha ka yarayn inaad aadi doonto dukaanka kale o tartan ganacsi ka dhaxeeyo taasi waxay gancsadaha ku khasbi karta inuu qiimaha ugu jaban kaaga iibiyo adeega aad u baahantahy.

Ku karso cuntada xaafada.

Inaad mar walba ka cunto banaanka waxay baa’inaysa dhaqalahaga, sidaa dardeed tixgali inaad cuntada xaafada ku karsto inta badan, cuntada xaafada lagu karsto waa cunto caafimad qabta isla markaan ku jaban dhaqaale ahaan marka la barbar dhigo cuntada banaanka laga so gato. Qorshee adeega cunto aad u baahanthy islamarkaana u iibso jumlo ahaan, sababta ah way ka jabantahay tafaariikh  markaad u iibsato.

Iibso alaabta celis ka ah

Dharka, qalabka guryaha, xafiisyada, baaburta ama adeegyda kale waxaad iibsan karta ayagoo celis ah o mudo yar la isticmaalyey taasi waxay ku fudadaynysa inaad lacg kaydsato. Dukaamada qaybtood waxay leeyahy meelo lagu gado alaabta celis ah oo aad ka iibsan karto taas o in badan ka qiimo jaban alaabta cusub.

Isticmaal Caashback iyo Barnaamijyada hadyidaha

Isticmaal caashback iyo barnaamijyada hadiyadaha oo ay ganacsato macaamisha u samayso taas aad ka heli karto adeeg bixiyaasha karaka daynta ama suuqyada, iyo internetka aad macmiilka u tahay. Barnaamijyadaas waxay kuu oggolaanayaan inaad kuu guulaysato caashback ama qiimo dhimis ama adeeg bilaash ah marka labaad ee aad wax iibsanayso.

Iska yaree shaqalaysiinta dadka dayactira alaabaha guriga.

Intii aad shaqalysiin lahayd qof ku dayac tira markasta alaabaha guriga kaa xumaato ama alaabta cusub aad so gadato ku xirxira isku day inaad adigu barato shaqadaas isla markaan aad xirxirto alaabta cusub ama aad dayac tiarato alaabta aad soo gadatay.waxaad ka baran karta cilmigaas aalada YouTube iyo meelaha kale e internet ka. Taasi waxay ku sahalaysaa inaad kaydasto lacgti aad dayactir ka ku samayn lahayd.

Maalgasho si caqliyaysan.

Si aad maalgahato kaydkaaga oo aad u hesho faaido fiican waxaad u baahantahy inaad si fiican uga fakarto waxa aad maalgashanayso, hadi ay noqon lahayd suuqa stocks, bonds, ama iibka iyo kiraynta guryaha. Waxaa muhiim ah inaad la tashato khuburo dhaqaale si aadan ugu khasaarin maal gashigaaga.